Poems

Cuddoon

Gugoo curtay cuudkii oo dhalayoo
Caleentii baxdoon carjabin weliyoo
Cagaarkiyo dooggu uu cusubyoo
Intuu cokan yahay biyii cabbayoo
Calcalyadu ceegaagto kadimmada.
 
Halkaad cagta saarto ciiraysoo
Rayskuna celinaayo cidhibtaadoo
Shimbiruu ciyayaan cod kala jaadoo
Cabbaar dabadeed rahuna u ceshoo.
 
Balambaallis cardhiinya lehoo cosobsatay
Celcelinaysa baalal calammo lehoo
Neecawda cabbaysa carafteedoo
Casuuntay intii la caynad ahayd.
 
Ubaxoo cutub-cutub cillaansamay
Curubta caaraddeedu simantahayoo
Caydhkii tumay cawadii hore oo
Hoobaantu casuus casaan yartahoo
Canbuushiyo midhuhu ciireenoo
Caashiyo isa saaray cidhifyadoo
Curdankii u bislaaday cayn-cayn,
Cunahay maraysana ka caagaynoo
Cuyuunkii arkaan cadhoonaynoo
Cindiga sanna caajis gelahayn.
 
Caynadday u egtahay cajiib badanaa
Caqliga aadamaan caddeeyn karinoo
Carrabka ruux ku sheegey baan curinoo
Cadarkiyo ka udgoon cambarka la shitoo
Cuudkaan ku masaalay carafteedee.
 
Afartaa ku cabbiray cimilo wacanoo
Carrigaan u dhashaa ku caanbaxayoo
Ciiddiisaa dahaboon cid gooynaynoo
Caynaaniyo waa cawiyo nabadoo
Caawaba waanigaa ku ciidaayee,
Caddaalad ku caafimaad qaba!
 
Cirkoon caad iyo cirjiidho lahayn
Daruuri cudhanaynnin ceeryaan lihi
Jeegaan ku caweermin laba cayn lihi
Cadceed subax uun la caynad ahoo
Caddiyo dayax lagu caweysimoo.
 
Dhallintu isu cugteen ciyaartiiyoo
Cagtiyo jiibtu ay is celiyeenoo
Cureejiyo Caalin marayaanoo
Wiilashii carbisnaa cartamayaanoo
Cadrado luuqdii u celiyeenoo
Golihii cammirmoo cidhiidh yahay baa
Cakuye! Libdhadii caddaan noqotoo,
Ciyaartii ku dhammaatay caynkaa.
 
Hablihii Canab iyo Cambaro laa
Dhiilihii culaygiyo catiriyeenoo
Caanihii loogu shubay carruurtiiyoo
Ciirtii lulayaan cuddoon dumaroo
Codcodkuna ubbadii ku cigan yahay.
 
Calooshoo nadiif ah lays casumoo
Cashiiradu nabad ku wada ceeshtoo
Ciyigii laysa siiyey ceebli'iyoo
Colaad raagtiyo cabsiyi jirinoo
Cuqaal iyo culimmo talinaysoo
Caam ahaan cafis beeshu kala tahay.
 
Afartaa ku cabbiray cimilo wacanoo
Carrigaan u dhashaa ku caanbaxayoo
Ciiddiisaa dahaboon cid gooynaynoo
Caynaaniyo waa cawiyo nabadoo
Caawaba waanigaa ku ciidaayee,
Caddaalad ku caafimad qaba!
 
Carraabuu galabtii is ciirsadoo,
‘Ceelkii ka warrama cidihii kale!'
Cawdiyo salligii ciyaalku dhigoo
Cidhiidhiyo aan cardoof jirinoo
Cafiif tahay sheeko caarif ahoo
Cabsiyo aan la qabin caloolyow.
 
Caabudaadda Alliyo cibaado gutoo
Cilmiga diinta iyo casharkii subciyoo
Cisiyo sharaf Caaddil ugu deeqyoo
Caynkaan u daydaba naftani calmatee,
Allow ha ka celin nimcadan u cammiran!
 
 London, 26.02.2009