Kudu

Mar aan gaban ahaa beri Galab aan adoogay Geed uu fadhiyi jirey Sheeko kooban kaga guray, Wuxuu yidhi: "guyaal hore Boqor geesalaa jirey Oo goostay weligii Inaan iinta lagu garan. Fule waa geddiisoo Wuxuu goorba hubiyoo Gedfo oo cimaamado, Nin gaaraa sirtii helay Godob buuse taransaday Garashadu u sabab tahay Qof gafaana laga dhigay, Hadduu […]

She

Ma cawaa ma caanaa Ma ciirtaa ma calaf baa Ma cuq baa ma cigashaa Ma cisaa ma culuq baa Ma daruur gu’ curatoo Cir caddaad an noqon baa Ma cigaalka feleggiyo Cirjiidkii mariiqaa Ma magool cusayb baa Ma cadceed arooryoo Falaadhaha casuustaleh Ku cabsiisay dheeggoo Ceeryaantii didisaa Ma xareed is celisaa Ma habeen cadda ah […]

Death of a Princess

`Xaye cala salaa’ `Xaye calal falaax’ Xilli loo addimay Ma xusuusan karo; Xilna waa jiraa Waana xaal-adduun; Xiddigihi cirkana Xalaa laygu yidhi: "Xinjireey liqeen". Dhulku wuu xarkagay Sidii xuuko geel Waanu xiiran yahay. Xooluhu dhammaan Waa xaaluf-daaq. Xaggu waa qaniin Xaggu lama-degaan; Xidhku waa saliid, Daad-xoor dab-liyo Xadhig-lama-sitaan Ku dul xeeran yiin. Xaggu waa bacaad […]

Death of a Princess

‘Xaye cala salaa’ ‘Xaye calal falaax’ Xilli loo addimay Ma xusuusan karo; Xilna waa jiraa Waana xaal-adduun; Xiddigihi cirkana Xalaa laygu yidhi: “Xinjireey liqeen”. Dhulku wuu xarkagay Sidii xuuko geel Waanu xiiran yahay. Xooluhu dhammaan Waa xaaluf-daaq. Xaggu waa qaniin Xaggu lama-degaan; Xidhku waa saliid, Daad-xoor dab-liyo Xadhig-lama-sitaan Ku dul xeeran yiin. Xaggu waa bacaad […]

They Pounced at Dawn

Ooggii horay nagu keceen Naagyahay awow iyo awow iyo abkaan sheegto Iyo anigu abidkay ma arag iibsi lacageede Aqdaan buu lahaan jirey raggaan ka isirraa waaye Ol’olaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane Maruun baan umaamaday waxaan aabbahay faline Afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye Albaabki Burcaan tegay anoo aaladii sida e Amminkiiba […]

A to Z

Caalinow, Ta’ iyo Wow, Bal tixraac halkaan maro! Tukayaasha duulaa Warka waysu tebiyaan; Waa aftahan qudhaanjadu; Geeluna tawaawaca Kolka biyaha loo tubo Ways tibaax yaqaannaa; Tigaaddaad arkaysaa Kaftan ay taqaannay Hoos-ka-tuur u leedahay; Taaha adhigu waa hadal Urtu waysku tooydaa; Toggagiyo dabayluhu Tookh bay la reemaan; Tankiisuu aboorkuba Toos ugu xidhiidhaa; Daruuruhu tub gaadhay Heesaha […]

Perfection

Dhawaaq gabay Cabdow waayadan, waanigii dhigaye Ma dhaqaajin maansooyinkii, dhumucda weynaaye, In kastoon dhab uga aammusoon, daayay dhihiddiisa Wax uun dhiigga kiciyaa jiroo, dhibay naftaydiiye, Aan kuu dhambalo waayada waad, i dhursugeyseene. Dheddiggaba dhammaantii haddaan, dheehdey badankooda Haddii aan dhexmaray suuqyadoon, dumarka dhuudhaafay Kolkii aan dhankaas iyo dhankaas, xaafadaha dhaafay Waxaan dhugasho eegaba markaan, dhiirri […]

Politics

Sagaal midab baan arkaa, Siddeed magac baa ku xiga, Soddon hadal baan maqlaa, Siddeed iyo toban af iyo Saddex iyo toban wajoo Saantoodu madowdahoo Sidaa u wareegayoo Silloon baan eegayay. Waxaan ma siyaasad baa? Subxaanyaa laga matalay; Intaa way soconaysaa Sal iyo baar bay xushaa Dadkay kala soocaysaa Wax bay soofeeyneysaa, Intaa salaggay martaba Sun […]

Ugh! Television is Disgusting

Qabri lagugu tuuryaye jinkaad, qolo wadaagtaane Qalad la igu siray oo ibleys, ii qarshaad tahaye Qalab uu isagu keensaday oo, qaybsho yaad tahaye Qabbaankiisa weyn iyo sarkaal, uu qortaad tahaye Qudurrada sabaankiyo ibtilo, qooqan baad tahaye Maan-qalato yaad tahay ka timid, qaarad naga dheere. Qofkoo hebed ah yaad kala baxdaa, dhiig adaan qubine Qobka madaxa […]

You Understand

Hooyaallayey hooyaallayey, hoyaallayey hooye; Warshadaha madfaca gaw leh iyo, gumuca beeraaya Hubkan dunida kala gooshayee, gees walba u raacay Ee aan xuduud lagu gartiyo, gogol-dhac loo yeelin Aakeyga kii geela jirey, saaran garabkiisa Intuu halista gaadhsiiyay baad, garan lahaydeene. Inta gibil madow, inta gibil cad, gaaliyo Islaamba Rag uun baa arlada gubee, waan la garanayne […]