The Speech of Our Language

Hadalkii aan ujeeddiyo Himilo toosan lahayn Iyo hadaaq waa ku dilaa. Hawraari waa murtideenna Haddana waa gabaygeenna Ama heesta cayaarta Ama hawsha middeeda. Heello iyo buraanbur Hooriskeeda iyo jiibka Higgaadda iyo luuqda Haasaawihiyo ammaanta Hanjabaaddiyo faanka Halxidhaaliyo sheeko. Waa hiraab iyo toosin Waa afkii hiddaheenna Amase hooyo iyo aabbe Hantidii ummaddeenna Habistii ubadkeenna. Waa hoggaan […]

Never Forget!

Badda: Gabayga Mowduuca: Garsoorka Haddii xubin garsoore sare iyo, xaqa laguu dhaarsho Xigto iyo qabiil iyo haddaad, xaynka ku asqowdo Laaluush xammuurani qalbiga, kaaga xidideeysto Xoolo qof leeyahay haddaad, mid u xalaaleeyso Xammil-dhaafku awr wuu dilaa, xadhig qalloocdaaye, Xumaatiyo inaan boolli iyo, xaqu walaaloobin Oo ay xad kala leeyihiin, waa xuruuf qorane Haddii aad xilkaagiyo […]

Eyes Brimming with Beauty

Garoowe, 2010 Badda Batarka Maansadu waxay tilmaamaysaa gabadh Soomaaliyeed oo gu’ barwaaqo ah baaddiye joogta. Gugu waa gugii Ballaadhane ee sannadkii 1934tii. Meeshuna waa Hawdka magaalada Burco. Gabadha magaceedu waa Barni. Gugu waa Ballaadhane, Meeshu waa ballida Hawd Burco meel galbeed ka ah, Bancawl geeddi iyo laba Bogox looga sii kaco Bidixna loo janjeedhsado. Barni […]

Harmony

Gugoo curtay cuudkii oo dhalayoo Caleentii baxdoon carjabin weliyoo Cagaarkiyo dooggu uu cusubyoo Intuu cokan yahay biyii cabbayoo Calcalyadu ceegaagto kadimmada. Halkaad cagta saarto ciiraysoo Rayskuna celinaayo cidhibtaadoo Shimbiruu ciyayaan cod kala jaadoo Cabbaar dabadeed rahuna u ceshoo. Balambaallis cardhiinya lehoo cosobsatay Celcelinaysa baalal calammo lehoo Neecawda cabbaysa carafteedoo Casuuntay intii la caynad ahayd. Ubaxoo […]

Arrogance

Aadmiyahaw hallaysani! Ambadyahaw wareersani! Maqal ereyadaydoo! Buuraha ag joogsoo Amakaag daraaddii, Ilmo gabax ka siiyoo! Cirka sare u eegoo Xiddiggaha astaysoo Arag felegga meeroo! Onkodkiyo hillaaciyo Ufadaa dhacaysiyo Uurada waraysoo. Ololkeeda Gooraan Aammus oo dhegeysoo Shimbiraha la ooyoo. Badda “aw”-da haysiyo Waxa uurka ugu jira Axadhoo garwaaqsoo. Dhulka aad u baadhoo, Webiyada ordaayiyo Daruuraha indheeyoo. […]

The Writer’s Rights

Xaqa suxufigee lumay Xabaalaha kan lagu guray Xasuuqaan la dabarjaray Xorriyaddaan la siinayn, Xaashidey ku taallee Ku xariiqantay sheeg? Suxufiga in lagu xidho Xabsiyada dambiilaha Xabbad lagu dilaacshoo Xuquuqdood la duudsiyo Xaqdhawr aan la siinayn, Xaashiday ku taallee Ku xariiiqantay sheeg! Xaqdarradan dillaacdee Xamastiyo carruuraha Lagu xiiray maatada Xaawaleey la dabarjaray Xamar haw darnaatee Haddii […]

Orphan

Ararta gabayga waayadaan, eeg isma lahayne Ma aloosin maansooyinkii, aan astayn jiraye Alifka iyo Miimkaba ma curin, iba furkoodiiye Asaaski murtida waanigii, daayay illinkeede Allaylee markaan uurxumada, eegi kari waayay Inaan erey idhaahdaa kolkaa, way ekoontahye. Waddan aabbihii waayay oo, wada agoomoobay Ay ooridiisii mar hore, aakhirow hoyatay Afka oodda laga saaray oo, aqal madow […]

Disorientation

Wiilkaan jeclaayee Jamaal Eebbe siiyiyo Jawhara-la-moodkii, Dhankuu iga jiraa, tolow? Jeedaalo deydeyey Jalleecada indhuu tabe Jahawareerka igu dhacay Jaha kasta ka eegee, Dhankuu iga jiraa, tolow? Intuu jiifo aadmigu Hurdo wayga jarantahay, Jabaqdii dhaqaaqdaba Waan juuq dhegeystaa. Jalka iyo biyaha iyo Uma jeesto oontoo Waan jidiinqallalayoo Jaynafkaa dibnaha iyo Jiilku waygu go'an yahay. Immisuu jir […]

The Sea-Migrations

Da'da gabayga dabuubtiyo murtida, doodda hadalkayga; Waxaan uga danleeyahay inaan, danaha sheegaaye Dadweynow waxaan doonayaa, inan dadaalaaye Dulmigan dhacaayaan rabaa, inaan dillaacshaaye Tahriibtaa dadkeennii rogtaan, deyr ku xidhayaaye. U dulqaadan kariwaayay oo, waan damqanayaaye Jidhkaa iga dubaaxiya markaan, dib u jalleecaayo Inta aan ilmada daadiyaan, dibinta ruugaaye. Afrikaa dhib deris looga dhigay, daayin abidkoode Soomaaliduna […]

Taste

Haddaanad gabayga deelqaafka iyo, dari ka saaraynnin Dalabtiyo haddaan laga midh tirin, diniqa aan muuqan Meeshii dahsoonayd haddaan, lagu daqiiqeeynnin Doogtiyo haddaan lagu lafgurin, dakharradii raagay Darar lagama maaloo tixuu, dufan ma yeeshaane, Aan dareersho caawoo kalaan, daribta saafaaye. Inkastuu darmaan quruxsan iyo, daaddax ugu yeedho Ama uu ammaan deexdo oo, ‘dawlo!' ku yidhaahdo Hadal dhegaha […]