Recollection

Nimaankaa naftoodii gabaye wada galiilyaysan Nimankaa naftoodii gubee wada gawaamaaya Nimankaan garsooriyo lahayn garasho wayeelba, Ganboor iyo waxay daaqayaan geed Ilaah nacaye Gawaan iyo waxay yuururaan guri xashiish weyne Goolaftankaa kaaga daran geesiyo is moodka Galladi waata Eebbee markuu gabay masuulkiiba Gabadhiyo carruurtii markuu gooyey ehelkiiba Ee uu gasiinkii ka jaray guri xanaankiiba. Ee gacalo […]

To the Midwife

Hooyo aan la aqoonsan Hooyo aan la ogayn Hooyo aan la astayn Hadda aan laga oollin Ummulisoow adigaa ahna. Ooridii dinahanaysa Marka fooshu eryayso Tay ku eeranaysaay Astaantii naxariista Ummulisoow adigaa ah. Qof kastoo ifka jooga Ammintuu dhalanaayay Soo dhoweynta ilmaha Irriddii jiritaanka Ummulisooy adigaa ah. Ubadku goortuu Uurka hooyo ka arooro Marka adduunka Dhibaato […]

The Night of Absence

Laba ruux mataana ah Mataanaah lammaanaa Lammaanaa midoobaa Midoobaa kalgacallada Mahad eebbe garaa Waysu miir dillaacaan Mabda’ bay jideystaan Meertada ayaamaha Maqanaanta iyo kulannada Meertada ayaamaha Maqnaanta iyo kulannada Ballannay muddeystaan Maqnaanta iyo kulannada Mid hadday is waayaan Maya haa is dhaafaan Waligoodba maalmaha Tan xun baa u muuq dheer Anigiyo mataantey Xilliyada macaanka leh […]

Don’t Strike Against the Soil!

Haw dayrin naftayda! Hay dhigin daleel nacab! Duufaan jacayl iyo Wahsi haygu dayrin! Duulkaan la habaabiyo Da’day hayga reebine! Oo doqonka reeride, Nabsi hayga doonnine! Ha derderin carrada, ha duulin! Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog! Dalka lama nebcaadee, Dibedaha lamaba jeclaadee. Doofaarka ficil li’i baa Dabka loogu ridayaa, Daa’imo carruurtuna Inay ficilka […]

Perilous, It Is Perilous

1. Hareeraa adduunka Dab baa ka holcaaya Hub baa ka qarxaaya Hed baa ku baxaysa Kuwaa herdamaya Habeen iyo maalin                                   Kuwaa biya hoostood                                    Haraati is yeela                                    Kuwa isku hiifa                                    Siyaasad hagoogan, Kuwaa hardafaaya Kuwaa halgamaaya Kuwa holinaaya Kuwaa hadimaya                                 Kuwaa haqab beela                                Kuwaa hunga taagan                               […]

Sipping a Little Knowledge Could Create Hardship

Xaqdarrada karoortaa mar bay, kadinka jiidhaaye, Siyaadow karbaashkii dillaac, ay kabkabayeene Haddaa kaahii soo baxay intay, qoysay kebeddiiye; Kacaankii aan ku aamminay naftan iyo, ciiddan koboceeda Een idhi: ’kanaa kayd u dhigi, kiinna dhalan doona,’ KGB haddaan uga baqdiyo, kaariyadan Ruushka, Kitaabkii cuslaa iyo ma furin, dhaarti kululeeyde. Kacaankiyo xisbina waa waddani, keenni oo run […]

Clarity

Ma da’furin ogaalkay Xaska dabada maan gelin derejada ilhaamkiyo hibadii dalaysnayd uma dhiibin duudduub Weli Dalawadaydii Doobigeedi may dhimin Dibu-dhigasho mooyee Wax is doorshey may dhicin Afartaa xan durugtiyo Danni jira wax sheeggii rag hadduu dagaal galo Danta guud xilkeediyo U dareero fuullaan Ashkir deeddan badiyaan xakamaha la doontaa Duullaanka kama hadho gaarriyoow dugaalkiyo Shaxda […]

Life’s Essence

Saaxiibkayow heedhe Safar baan ka imi dheere Marka hore salaan diirrran Marka xiga samow heedhe Ha ka nixin si-dalagtayda Sacab fara-madhnaantayda Suugaanta yaabkeeda Salka iyo fadhaa keena Marka xiga sugnaanteeda Socodkiyo falkaa sheega Xeerkeedu waa saase. Saaxiibkayow heedhe Anba saaka qaybteeda Sirsirraan ka joogaaye Xadhiggiyo bal eeg suunka Iyo sabarka gaadiidey Iyo salabka ii qaaran […]

Society

Talooy go’an baydahaa Xujooy taran bedenbedkaa Hawooy balaggaa furfuran Sengow dhimay badalligaa Biddoow camalkaa ku sheeg Badeey adigana muggaa Hirkaagiyo baaxaddii Buraashad miyaan ku dhuray Ballaadhkiyo mowjaddii Bilaale miyaan dardaray Shantaa hore bidix lisee Caroog kulul baa balwadey Babtiisii baa la naxay Dad baa isu soo bulladay Dhankee babbisadu jirtaa Baquhu yuu saaran yahay Ninkee […]

Settling the Somali Language

Dhalashada afkaygiyo Dhigashada fartaydaan Kaga baxay dhibaatoon Hawlihii ku dhaafee, Iyadaa dhaqaalaha Dhidibbada u aastoo Dheelliga u diiddaye, Dhulka wadajirkiisee Iyadaa dhammeesee. Waa inaan ku dhaataa afkayga, Waa inaan ku dhistaa afkayga, Waa inaan ku dhaqdaa afkayga, Waa inaan ku dhergaa afkayga, Waa inaan ku dhintaa afkayga. Shalay dhabannahayskii Dhoolla-qosol maanta ah Xalay bow dhexeeysee, […]