A Shout

Dha’da gabayga wataanan tirin, dhowr guyoo tegeye Dhaantadiyo waa taanan tumin, dheeshi maansada’e Dhoolkii murtida waanigaan, dhab ugu luuqeeyne Soomaali ruux dhiig u galay, dhawrsan kari waaye Anuun baa dhalaallaye malaa, dhuganba maysaane. Maantana dhawaaq baa bixiyo, dhiillo aan damine Dhakhaatiirti wada laaye iyo, dhidibki Soomaale Dhuuxii Caddow bay shubeen, waqay dhantaalmaane Qamar oo madhaafanna […]

Separate Beings

Naftan uubataynaysa Ee kugu ag meeraysa Qalbi baa af duubaaya Addimadaa ku soo doonta, Indhahaa ku eeg eega Aragaaga xiiseeya Wadnahaa abuuraaya Caashaqa iniintiisa unugyada ku beeraaya, Inkastood irdhaynayso Ama aad ilaaqayso Ikhtiyaar naftii laashay Kaa ooli kari weyday. Anna ulasho deyn maayo Adna digasho waa kuu ul, Aniguna ilbixi maayo Adiguna arxami maysid, Anna […]

The Mark

Dabuub gabay baryahan maanaan tirin da’ayo waw geede Duugi maanso waan jooji iyo dulucdii suugaan e Ma dareersho geeraara daan daadahayn jiray Qofsee dirkiisu soomaali yahay waa damqanayaaye Ciil buu la daaduumay oo wuu dardhanayaaye Naftaa igu dirqiyeysee ma rabin dib uga faaloode Da’da gumayste diidaya buu daawo geliyaaye In tuuse dawdar talinayo iyo doqonka […]

Beloved

Intaan bukto jiifto oo Bustaha iyo gogosha iyo barkimo aay daashatoo La soo booqdo aan ahaa Intaan beer cadaaday oo Biyaha iyo oonta iyo Baadkii aan ka soomayoo Bishmiyo dibmihii ka xedhay, Intaan talo baah sanayad Baandheeyey warkeedo Buugiyo qorihii furoo Baabkii noloshayada galay Dadkoo badankii hordoo Habeenkii uu badh tegay Ayaan baasaha aduun Layeesha […]

Our Land

Cirka oo gu’ hoorshoo Hillaac galalacleeyiyo Daruuruhu gufaacada Guur guurayaano Godolkii la hibitiqay. Xareeddii geyiga iyo Goglantahay jidhaanto Godamada ka buuxdoo Balliyadu gingimanyiin Ubaxii gardhooboo  Gaasheeyey midabkoo Guntimuhu sinmeenoo Garaacayso laydhii. Dhirtuna ay gun iyo baar Gedafka isku haysoo Laamaha gankoodiyo  Faraqii is gaadheen Shinbiruhuna geestood Hadba geesh codkoodii Googooynayaanoo Rahuna gaar isula baxay. Oo […]

Appeal

"Waxan ahay Gabooyee, Ma i guursanaysaan?!" Xalay gelin dhexaadkii, Goor ay saqdii dhexe Goorsheegtu labadii, Oo gaw' ah ay tahay, Sow kadinka gurigii, Qof garaacay maan maqal! "Waa kuma" garwaaqsaday, "Waa gabadh" ayay tidhi, "Maxaad goobaysaa" idhi, Waxay tidhi "aan soo galo", Waxan idhi "gobaadeey, Marti goor xun socotaa, Xaal guuna weeyee, Ku gartaye bal […]

Mayhem: The Invasion of Gaza

Madaxay bukoo, Mooraalka iyo, Maanka iyo jasmiga, Meel ii fayoow, Marna lama arkoo, Waxaan ahay madluun. Mashaqada dhacdee, Maato dooxistiyo, Makrigiyo dilkiyo, Moora-duugista ah; Maydka teedsan ee, Marinnada Qasiyo, Masjidkii Aqsiyo, Ciiddii mudnayd, Maalin iyo alleyl, Sidii maqal dhurwaa, Mus-duleed ka helay, Ma-huraanka wadhan, Marka aan arkaan, Murugoonayaa! Muslimkii tarmee, Meelkastaba arlada, Meegaarsanaa, Midh subxaanalliyo, […]

The Scab

In dhoweydba gabaygii ma gelin, kala-gurkiisiiye Googgooskiyo masafaadka iyo, guurow lagu heeso Geeraarka maansada ma furin, gebiba suugaane Murti gaawe lagu soo shubana, waan ka gaabsadaye, Doc markaan gufeeyaba mid kalaa, galow ka yeedhaaye Aan godaalsho caawoo kalaan, gorofka buuxshaaye. Garrida iyo dhoobada markuu, Guulle naga uumay Ee gibilkii Nebi Aadan iyo, Xaawa naga gooyey, […]

Ismaciil Mire

Ismaciil Mire is one of the most renowned and best-loved Somali poets of the early twentieth-century. As well as producing a substantial body of poetry, he spent many years as a soldier fighting the British.

Saado Cabdi Amarre

Saado Cabdi Amarre is a poet whose emotional verse laments the senselessness of the successive civil wars that have affected Somaliland in the aftermath of its secession. Her masterpiece ‘Haddaba Deeqaay, dagaalkani muxuu ahaa