You Understand
Hooyaallayey hooyaallayey, hoyaallayey hooye; Warshadaha madfaca gaw leh iyo, gumuca beeraaya Hubkan dunida kala gooshayee, gees walba u raacay Ee aan xuduud lagu gartiyo, gogol-dhac loo yeelin Aakeyga kii geela jirey, saaran garabkiisa Intuu halista gaadhsiiyay baad, garan lahaydeene. Inta gibil madow, inta gibil cad, gaaliyo Islaamba Rag uun baa arlada gubee, waan la garanayne […]