Settling the Somali Language
Dhalashada afkaygiyo Dhigashada fartaydaan Kaga baxay dhibaatoon Hawlihii ku dhaafee, Iyadaa dhaqaalaha Dhidibbada u aastoo Dheelliga u diiddaye, Dhulka wadajirkiisee Iyadaa dhammeesee. Waa inaan ku dhaataa afkayga, Waa inaan ku dhistaa afkayga, Waa inaan ku dhaqdaa afkayga, Waa inaan ku dhergaa afkayga, Waa inaan ku dhintaa afkayga. Shalay dhabannahayskii Dhoolla-qosol maanta ah Xalay bow dhexeeysee, […]